Mareykanka oo shaaciyey mowqifkiisa ceyrintii Xasan Cali Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay "khaladaadka" kalsooni kala noqoshada uu Golaha Shacabka ku sameeyay Xasan Cali Khayre iyo xukuumadiisa.

War-saxaafadeed nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online arkay ayay ku sheegtay in talaabadan ay "dib u dhac ku tahay dib-u-habeynta ay baadigoobeysay Soomaaliya".

Bayaanka oo lagu caddeeyay in Farmaajo iyo guddoonka Aqalka Hoose ay ka dambeeyeen xilka ka qaadista Khayre ayaa lagu qeexay in go'aankan uu waxyeeleynayo wadahadalka dowladda federaalka iyo maamulada.

"Wadada kaliya ee u furan doorasho waqtigeeda ku dhacda, nabad ah oo la fulin karo waa wadatashi iyo wadahadalo wax-dhisaya," ayay raacisay, iyaddoo hogaamiyeyaasha ku boorisay in ay danta dadka ka fekeraan.

Xasiloonida Soomaaliya ayay hoosta ka xariiqdey in ay ku jirto iskaashiga iyo wadashaqeynta hogaamiyeyaasha "hadii shaqsi ama hay'ad isku dayda in ay ku gacan-sareyso waxaa wiiqmeysa xasiloonida waddanka".

Xilli ay adkeysay in nooca doorashooyinka soo aadan ay noqoto mid wadar ogol ku timid, saamileyda ayay ku tartariisay in ay isu tanaasulaan.

"Mareykanka wuxuu ka dalbanayaa dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, baarlamaanka iyo xisbiyadda kale in ay kawada shaqeeyaan fulinta heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb," ayay safaaraddu tibaaxdey.

Iyadoo xustay in Washington wali garab taagan tahay Soomaalida, hogaanka ayay xusuusisay in ay mas-xaladda umadda ka shaqeeyaan.

Soomaaliya ayaa wajaheysa mar-xalad kala guur ah oo aysan wali doodu dhinac u dhicin, waxaana arrinta sii murjiyey go'aankii baarlamaanka ku eryay xukuumadda isla markaana uu si deg-deg ah ku ogolaaday madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM