Markab Kalluumeysi oo Laga leeyahay Shiinaha oo la Sii Daayay Kadib Labo Bil oo Afduub ah
MUQDISHO – Markab kalluumeysi oo la sheegay inuu xiriir la leeyahay Shiinaha ayaa la sii daayay kadib muddo labo bilood ah oo uu afduub u ahaa burcad badeed, sida ay xaqiijisay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.
Safaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 18 xubnood oo shaqaalaha markabka ah la soo badbaadiyay, iyagoo dhammaantood nabad qaba kadib dhibaatooyinkii ugu darnaa ee ay kala kulmeen biyaha badda.
Qoraal lagu daabacay barta safaaradda ee X ayaa safaaraddu ku sheegtay in dhammaan shaqaalihii markabka lagu soo badbaadiyay, iyagoo ku sugan xaalad caafimaad oo wanaagsan. Shaqaalaha ayaa la sii daayay kadib markii ay dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Shiinaha si dhow ula socotay arrinta.
“Dowladda Shiinaha si adag ayay u cambaareyneysaa falkan xun oo halis geliyay badbaadada shaqaalaha iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ah. Waxaana ay sii wadi doontaa inay si adag u difaacdo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinteeda iyo shirkadaheeda ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wararka ayaa sheegaya in markabka iyo shaqaalihiisa laga afduubtay bisha November ee sanadkii 2024, loona qaaday degmada Xaafuun ee Puntland, maamul-goboleed ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya. Burcadda ayaa markii dambe dalbatay madax furasho dhan $10 milyan, sida ay warisay wakaaladda wararka ee AP.
Lama xaqiijin in lacagtaasi la bixiyay, hase yeeshee burcadda badeedku inta badan waxay sii daayaan maraakiibta ay afduubtaan markii lacag badan laga bixiyo si looga fogaado in hay'adaha caalamiga ah ama booliiska caalamiga ah ay daba-gal ku sameeyaan.
Bayaanka safaaradda ayaa sidoo kale xusay in Shiinaha uu si dhow uga wada shaqeeyay arrintaasi dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, iyagoo iska kaashaday sidii markabka iyo shaqaalihiisa loo badbaadin lahaa.
Falalka burcad badeednimo ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya ayaa mar kale sare u kacay bilihii u dambeeyay, iyagoo kooxaha burcadda ay dalbanayaan lacago badan oo madax furasho ah. Si kastaba ha ahaatee, tirada dhacdooyinka ayaa ah kuwo aad uga yar marka loo eego waqtiyadii hore, gaar ahaan xilligii xeebaha Badweynta Hindiya ay burcadda badeed si weyn u dhibaatayn jireen.
Soomaaliya sidoo kale waxay wajahaysaa kalluumeysi sharci-darro ah oo ka socda xeebaha dhererkoodu yahay 3,333KM, taasoo keentay in maraakiib kalluumeysi la qabto. Maraykanka iyo dalalka kale ee Yurub ayaa joogitaan xooggan ku leh biyaha Soomaaliya, iyagoo ujeeddadoodu tahay inay ka hortagaan burcad badeedda.
GAROWE ONLINE