​Markab shixnad sida oo Muqdishu kusoo xirtay

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta dekedda Muqdishu xarunta Somalia kusoo xirtay markab shixnad gargaar u siday Somalia, kaasoo horraantii bishan kasoo shiraacday dalka Turkiga.

Markabkan, ayaa sida gargaar gaaraya 11-kun tan, waxaana lagu wareejiyay mas'uuliyiin katirsan xukuumadda gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha, oo  mahad celin usoo jeedisay waddankaasi oo ay ku ammaaneen kaalinta uu ka qaado kaalmaynta Somalia.

Turkiga, ayaa sheegay in deeqdan loogu tala galay dadka tabaalaysan gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka.

Saraakiil katirsan dowladda Somalia ayaa ku howllan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan fatahaadda uu sameeyay wabiga Shabelle.

Hay'adda masiibooyinka iyo gurmadka ee Somalia, ayaa sheegtay in deeqdan qayb kamid ah la gaarsiin doono dadka ku dhibaataysan degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Maaha markii ugu horraysay ee Turkigu deeq siiyo Somalia, balse waxaa taageero xooggan ka gaystay xaaladdii macaluusha ahayd ee ka taagnayd Somalia, sannadkii 2011, waxaana xilligaas booqasho Somalia ku yimi madaxweynaha waddanka Turkiga Erdegon oo xilligaas ahaa Ra'isal wasaare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM