Mas’uul la dhashay Wasiir Muqtaar oo Musuq loo xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow, ka dib baaritaano uu sameeyay Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranksa.

Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in ciidamada nabadsugida ay xireen Ibraahim xalay walina si rasmi ah looma shaacin dambiga lagu soo eedeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in xarigiisa ay sabab u tahay baaritaanno la xiriira howlaha xajka ee sanadkii la soo dhaafay, maadaama uu ahaa Xoghayaha guddiga tartanka adeegga Xajka.

Ibraahim Cali Roobow ayaa sanadkan sidoo kale kasoo muuqday liiska xubanaha Guddiga arrimaha Xajka, kaasoo uu dhawaan soo saaray Wasiir Mukhtaar Roobow, waxaana loo magacaabay xogheynta guddigaas.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu horay u yiri: “Mukhtaar Roobow waa qofka 1-aad ee ka mas’uul ah arrimaha Xajka, Wasiirka waa qofka aan la xisaabtami doono, haddii qalad dhaco waxaa eeda leh Wasiirka."

Cabasho badan ayaa soo ifbaxday xajka ee sanadkii hore, taasoo ay ugu wacan tahay adeeg xumida ay helaan xujeyda Soomaaliyeed, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii soo gutay waajibaadka xajka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM