Mas’uuliyiin lagu eedeeyay musuqmaasuq oo maxkamad loo gudbiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay qoraal ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo ku saabsanaa eedeymo loo jeediyay lix qof.

Mas’uuliyiintan ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen falal ay ka mid yihiin lunsashada hantida qaranka, been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ku tagri-falidda xilalka ay hayaan, iyo qaadashada lacago sharci darro ah.

Shaqsiyaadkan la hadal hayo ayaa ka tirsanaa Xafiiska Canshuuraha Barriga, oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in baaritaanada lagu hayo kiisas kale oo la xiriira musuq maasuq iyo ku takri-fal hanti dadweyne ay hadda socdaan.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Marka Baaritaanadan la soo gabagabeeyo, maxkamadda ay khusayso ayaa la horgeyn doonaa natiijada si tallaabo dheeraad ah loo qaado.”

Halkan ka bogo nuqul ka mid ah waraaqda ay soo saareen Xafiiska Hantidhowrka Qaranka:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM