Masar iyo Eritrea oo si adag u difaacay madax-banaanida Soomaaliya

Image
Abdel Fattah El-Sisi iyo Isaias Afwerki ayaa kulan gaar ah waxa ay ku yeesheen magaalada Qaahira.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynayaasha dalalka Masar iyo Eritrea oo wada hadalo ku yeeshay magaaladda Qaahira, ayaa isku raacay sida ay muhiimka u tahay ilaalinta madax banaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

Abdel Fattah El-Sisi iyo Isaias Afwerki ayaa sidoo kale isla qiray in ay kasoo horjeedaan talaabo kasta oo lagu kala dhantaalayo madax banaanida, looguna xadgudbayo xaduudaha caalamiga ah.

Go'aankan wadajirka ah oo ay qaateen labadan hogaamiye ayaa waxa ay muujinaysaa in ay si adag uga soo horjeedaan ficilada bahalnimo ee Itoobiyaanka.

Arrimaha Badda Cas iyo xaalka Suudaan ayay sheegeen in ay muhiim tahay in lasii wado dadaalada la xariira sidii xal waara looga heli lahaa, xaalka Suudaan si gaar ayay sheegeen in ay usii wadayaan qorshaha wadajirka ah ee labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM