Masar oo masaafurisay Somali tahriibayaal ah

Image

04 January, 2016(GO)-Dowladda Masar ayaa dalkeeda kasoo masaafurisay 60 qof oo la sheegay inay yihiin Somali qaab sharci darro ah dalkaas ku soo galay islamarkaana doonayay inay u tahriibaan waddamada Yurub.

Waxa sidoo kale xukuumadda Qahira xabsiga dhigtay saddex qof Somali ah kuwaas oo lagu eedeeyay inaysan haysan sharci ay ku sii daganaadaan dalkaas.

Arrintan ayaa timi kadib markii Masar shaacisay inay adkaynayso goobaha laga tahriibo maadaama marin u noqotay ajaanib iyo muwaadiniin badan oo doonaya inay galaan waddamada reer Galbeedka.

Horey ayaa sidaan oo kale xabsiga loo dhigay ajaanib badan kuwaas oo laga soo qaybtay goob laga raaco doonyo si sharci darro ah dadka u tahriibiya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM