​Mashruuc ku kacaya 30 Malyan oo Muqdishu lagu daah furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa maanta magalada Muqdishu xarunta Somalia, lagu daah furay mashruuc soconaya saddex sano oo looagu tala galay inuu kor u qaado dhaqaalaha waddanka islamarkaana taageero siiyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay, iyadoo la sheegay inuu jawi shaqo u abuurayo dhalinyarada.

Mashruucan oo loogu magaca daray, Somali Core Economic Institutions and Opportunities Project [SCORE], ayaa waxaa fulin doona Bangiga Adduunka, iyadoo lacagta ay bixiyeen waddamo dhawr ah, waxaana furitaankiisa kasoo qayb galay mas'uuliyiin kasocotay wasaaradaha Maaliyaddda, Dekedaha iyo Ganacsiga dowladda Federalka Somalia, waxaa sidoo kale joogay wasiirka maaliyadda Puntland.

Wasiirka maaliyadda dowladda Federalka Somalia, Maxamed Aadan Ibrahim (Fargeeti), oo faah faahin ka bixiyay barnaamijkan, ayaa sheegaya inuu qorshe loogu talo galay in kor loogu qaado dhaqaalaha dalka islamarkaana fursado maalgashi la siiyo dhalinyarada Somaliyeed, isagoo intaasi raaciyay in taageero siinayo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

"Mashruucaan waxaa laga fulin doonaa dhamaan dalka, waxaana lagu bilaabayaa Puntland iyo magaalada Muqdisho, waxaana hormuud u ah fulintiisa Wasaaradda Maaliyadda XFS oo gacan ka helaysa Bangiga Aduunka, lacagta mashruucaan waxaa ku deeqay wadamada deeqada bixiya gaar ahaan wadamada ku bahoobay Midowga Yurub,”Ayuu yiri Fargeeti.

Qorshahan la daah furay, ayaa kusoo beegmay xilli magalada Muqdishu kasocdo qorshe lagu qorayo dad shaqaale ah oo loo dirayo dalka Sacuudiga kuwaasi oo noqon doono muruq maal dalkaasi ka xammaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM