Masiirka wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo laga deyriyay

Image
Is-afgaradkii Biixi iyo Abiy ku gaareen Addis Ababa ayaa si weyn u wiiqay dadaaladan dib-u-heshiisiineed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa walaac ka muujiyey saamaynta uu ku yeelan karo is-afgaradkii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa waxa uu ka digay in is-fahamkan uu carqaladeeyo wada-hadallada u socda Muqdisho iyo Hargeysa.

Guuleed oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay April 2023 inuu noqdo ergayga gaarka ah, ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto in dib loo wadahadlo.

Rajadan waxaa si gaar ah kor ugu qaadey natiijooyin wax ku ool ah oo ka soo baxay shirkii Jabuuti ka dhacay dabayaaqadii Diseembar. Si kastaba ha ahaatee ergaygu waxa uu wax lala yaabo heshiiska aan la filayn ee Itoobiya la gashay Somaliland.

"Dawladda Itoobiya oo ku guuldaraysatay inay fududayso is-faham dhex mara Soomaaliya iyo Somaliland waxay u muuqataa inay salka ku hayso heshiiskan, waana wax laga xumaado," ayuu tibaaxay.

Guuleed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay ixtiraamka qoto dheer ee ay Soomaaliya u hayso Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay sii wadida wada hadalada.

Ergeyga oo horey usoo noqdey Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin wax kasta oo wax u dhimaya qarannimada Soomaaliyeed.

Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu doonayo in lagu xalliyo arrimaha ka dhashay gooni-isutaagga Somaliland ku dhawaaqday 1991-kii, ayaa muhiim u ah diblumaasiyadda gobolka.

Heshiiska lama filaanka ah ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland ee ku saabsanaa kireynta saldhigga cidan badda iyo aqoonsi ayaa abuuray xasarad ba'an oo ka dhan ah cilaaqaadka Muqdisho iyo Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM