Mas'uul katirsan gobolka Banaadir oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa saaka magaalada Muqdisho ku dishay mas'uul katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Mas'uulkan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Nuuraani ayaa waxa uu ahaa Gudoomiyaha waax/laan katirsan degmada Xamar-Jajab, sida uu xaqiijiyay gudoomoyaha degmada Waaberi.

Labo nin oo ku hubaysan bastoolado, islamarkaana watay Mooto ayaa dilka fuliyay kuwaasi oo meesha ka baxsaday kahor inta aysan ciidamada amaanka dowladda Federaalka soo gaarin.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka ninkan, kaasi oo aad looga yaqaaney gudaha degmada Waaberi ee saaka lagu dilay.

Al Shabaab ayaa inta badan ka gaysata dilalka magaalada Muqdisho, oo mudooyinkii dambe amaankeeda aad loo adkeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM