​Mas'uul lagu dilay magaalada Muqdishu

Image

Kooxo watay mooto saddex lugooley ah, ayaa saaka barqankii magaalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya ku dilay Guddoomiye ku-xigeenkii hore degmada Dharkaynley Cabdullaahi Ibrahim Isbiimo.

Mas'uulkaasi oo hadda ahaa xubin katirsan guddiga isku xirka xaafadaha Muqdishu, ayaa dhex socday waqtigii la dilay degmada Dharkaynley, waxaana lala dilay darawalkiisii.

Mas'uuliyadda falkaasi, waxaa sheegatay kooxda dilalka ka gaysatay Muqdish ee Al Shabaab.

Ciidamada amniga ayaa goobta gaaray, iyagoo bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan kooxdii toogashada gaysatay.

Tan iyo intii ay dhalatay bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxaa magaaladaasi lagu dilay dhawr qof oo dhammaantood katirsanaa degmooyinka gobolka Banaadir, waxayna u badnaayeen agaasimayaal waaxeedyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM