Mas'uul lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Jubada Hoose

Image

KISMAAYO, Jubaland – Gudoomiyihii degaanka dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya ee Raas Kaambooni ayaa waxaa lagu dilay qarax Miino uu maanta haleelay kolanyo galbineysay, sidda ay xaqiijiyeen laamaha amniga.

Cabdullaahi Diiriye Cabdi ayaa xiliga uu weerarkaas la kulmay wuxuu kasoo laabtey degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubadda Hoose.

Darawalka gaariga uu la socday Cabdi ayaa la tilmaamay in uu kamid yahay dadka ku naf-waayey weerarkaas, oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Illo dhanka maamulka ah ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Cabdullaahi uu u tegay Kulbiyow si uu u soo xaliyo tabasho halkaas ka jirtay.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa intaas ku daray in weerarkaas ay ku dhaawacmeen saddex askari kale.

Alle ha u naxariistee, Cabdullaahi Diiriye Cabdi ayaa ku dhowaad tobban sano la shaqeynayey maamulka madaxweyne Axmed Madoobe.

Dagaaladdii Al-Shabaab looga saarey Jaziiradaha Kudhaa, Madhawo iyo Buur-gaabo ayaa la xusay in uu kaalin weyn ka cayaaray.

Mas'uuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa laga soo xigtay in ay cambaareeyay dilka mas'uulka isla markaana ay tacsi u direen eheladiisa.

Qaraxyada lagu aaso wadooyinka ayaa kamid ah xeeladaha dagaal oo ay adeegsato Al-Shabaab tan iyo markii laga saarey magaalooyinka waaweyn isla markaana loo riixay tuulooyinka, oo weerarada ay ku diyaariyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM