Mareeyaha duulista hawada dowlada Federaalka oo shaqada laga joojiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar], ayaa xilka ka joojin ku sameeyey  Maareeyihii Hay’adda Saadaasha Hawada, Yuusuf Cabdi Cabdulle [Yuusuf Jaalle].

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa lagu shaaciyay xilka lagaga joojiyey  Maareeyaha, iyadoo sababta laguu sheegay baahida loo qabo dib u dhiska iyo dardargelinta howlaha hay’adda Saadaasha hawada.

Tallaabadan ayaa timid kadib wax ka yar 24 saac xilka qaadistii uu Ra’iisul Wasaare Khayre shalay ku sameeyay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maclin Xussen. [Halkan ka akhri Warka].

Lama oga in xil ka joojinta Maareeyaha la xiriirto mida Wasiirka oo la sheegay inay salka ku haysay muran ka dhashay arrimaha duulimaadka Xajka oo shirkado gaar ah heshiisyo qarsoodi ah lala galay.

Talaabadaan Maareeyaha ayaa kusoo beegmaysa xilli dagaalkii Arrimaha Xajka uu Cirka isku sii shareerayo.

HOOS KA KA AKHRI WAREEGTADA WASIIRKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM