Mas'uuliyiin iyo carruurtooda oo lagu afduubay gobolka Gedo

Image

LUUQ, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa mas'uuliyiin katirsan maamulka gobolka Gedo iyo caruur ay dhaleen ka afduubey saaka oo Khamiis ah degmada Luuq, oo kamid ah goobaha ay maamusho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Ciidamada degmada Luuq oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qafaalatay gudoomiye-yaasha degaanada Shaatilow iyo Caddaley, oo lagu kala magacaabo, Cabdullaahi Kuusow Maxamed iyo Axmed Cumar sida ay isagu xigaan.

Waxaa sidoo kale lala afduubay Gudoomiye-yaasha labo wiil oo ay dhaleen, waxaana dhanka kale dadka degaan ay sheegeen in la la'yahay gudoomiyaha Tuulada Bakaale, oo loo maleynayo in Al-Shabaab gacanta uu ku maqan yahay.

Lama oga sababta ka dambeysa in Al-Shabaab ay falkan afduubka ah kula kacdo gudoomiye-yaasha Tuulooyinka hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana jira cabsi xooggan laga muujiyay nolosha mas'uuliyiinta.

Gobolka Gedo oo guud ahaan degmooyinkiisa ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowaldda Federaalka, Jubbaland iyo AMISOM ayaa waxaa ka dhacayay mudooyinkii dambe afduub loo geysto shaqaalaha hay'adaha samafalka iyo saraakiisha maamulka gobolka.

Gedo ayaa waxaa la rumeysan yahay inay Al-Shabaab ka abaabusho weerarada ay ka fuliso gobolka waqooyi bari ee Kenya, oo ay ku beegsato Ciidamada Booliska dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM