Mas'uuliyiintii rugta ganacsiga gobolka Banaadir oo la kala diray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta oo Sabti ah kala diray masuuliyiintii rugta ganacsiga iyo warshadaha gobolka Banaadir.

Mr Cabdullaahi ayaa talaabadan ku shaaciyey wareegto uu soo saarey kuna taariikheysan 25-ka Janaayo, sanadkan 2020, taasoo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Sidda ku xusan digreetadda, go'aankaan ayaa salka ku haya "xiisadihii ka dhashay" magacaabida hogaanka la kala diray oo xubno kamid ah la sheegay in ay xirtay hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

Axmed Cabdullaahi Xasan, gudoomiyaha, iyo ku-xigeenkiisa Axmed Jimcaale ayaa lagu waramay in la qabtay Khamiistii, 23-ka Janaayo, sanadkan 2020-ka.

Ma cadda sababta loo qabtay xubnahaan. Balse waxay kusoo aadeysaa iyaddoo dhowaan ay soo ifbaxday in ay magacaabidooda ay saameyn ku yeelatay Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay VOA-da, ganacsatada Muqdisho ayaa saddex sano ku murunsanaa qofka noqonaya gudoomiyaha rugta ganacsatada gobolka.

Kadib is-mari-waagaas, Al-Shabaab oo u yeertay ganacsatada ayaa shir saddex maalmood socday ugu qabatay gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay wararku sheegayaan.

Natiijada kasoo baxday wada-hadaladaas ayaa noqotay in Axmed loo magacaabo jagada gudoomiyaha, halka Jimcaale loo xushay ku xigeenka rugta ganacsiga gobolka.

Inkastoo magaalo madaxda waddanka ee Muqdisho laga saarey 2011-kii kadib howlgalo ay ka qeyb-qaateen AMISOM, ururka Al-Shabaab ayaa "nidaam mooryaanimo ah" kula dhaqanta bulshada caasimada.

Ugu dambeyntii, wasiir Cabdullaahi ayaa tibaaxay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo magacaabi doono mas'uuliyiinta cusub ee Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir, iyaddoo laga talagelinayo saamileyda.

Hoos ka akhriso qoraalka

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM