Maxay kusoo dhamaatay Maxkamadaynta CC Cabdishkuur?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa galabta lasoo taagey Maxkamadda gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan oo ay la socdeen Xildhibaano uu kamid yahay Mahad Salaad ayaa kasoo hor-muuqday Maxkamadda, waxaana xeer ilaalinta ay soo bandhigtay Warqado ay ku qoranyihiin Cadeymaha muujinaya eedaha loo heysto.

Eedaha Xeer Ilaalinta horgaysay Maxkamadda waxaa kamid ah in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu dhaqaale ka soo qaatay Dowladdo Shisheeya si la burburiyo Dowladda iyo in la sameeyo Afganbi.

Gudoomiyaha Maxkamada ayaa sheegay in warqadaha Xeer ilaalinta aysan ku qornayn eedo lagu qanci karo, waxaana loo qabtay mudo 24 saac ah inay ku keenaan cadaymo buuxa, hadii kale lasii deyn doono Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xeer Ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir ayaa codsaday in la siiyo mudo 5 illaa 7 maalmood oo ku keeno cadeymo kale, balse laga diiday codsigiisa, iyadoo lagu wargeliyay in uu haysto hal maalin.

Gudoomiyaha Maxkamadda Aweys Sheekh Cabdullaahi ayaa ku wargeliyay Xeer ilaalinta iyo saraakiisha amniga ee soo xiray Cabdiraxmaan Cabdishkuur in iyaga dembi lagu soo oogi doono, hadii ay cadaato in gardarro lagu weeraray, laguna soo xiray Siyaasigan.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in mar labaad Cabdiraxmaan Cabdishakuur lasoo taago Maxkamadda, iyadoo laga sugayo xafiiska Xeer ilaalinta cadeymo ku filan eedaha lagu soo xiray, si kiiskiisa looga gaaro go'aan kama dambays ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM