Maxaa loo Magacaabi la'yahay Taliyeyaasha NISA iyo Booliska?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa mudo 3 bilood ah banaan xilalka Taliyeyaasha Hay'adaha Booliska iyo Nabad Sugida [NISA] oo halbowle u ah amniga dalka.

Magacaabista Taliyeyaasha Booliska iyo NISA ayaa maanta lagu waday inay dhacdo, islamarkaana lagu ansixiyo Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo ka dhacay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Dib u dhacan ayaa kasoo baxaya warar kala duwan, oo ku saabsan sababta ka dambaysa, iyadoo uu jiro guux dadweyne oo ku ku aadan arintan magacaabista la xiriirta.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Madaxweyne Farmaajo, Agaasiimaha Madaxtooyadda, Fahad Yaasiin iyo Ra'iisul wasaare Khayre ay isla meel dhigeen Taliyaha Booliska, balse wali isku raacin qofka noqonaya Taliyaha NISA.

Xogta GO ayaa intaasi ku daraysa in saddexdan mas'uul ay qaateen go'aan ah in dib ay u dhigaan magacaabista Taliyeyaashan, si aysan caqabad uga imaan isku-dheela tirka hanaanka awood-qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Waxaa miiska saaran dhowr shaqsi oo Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Khayre ay kala xulunayaan, iyagoo aad uga taxadiraya inay magacaabaan qof aan la jaan-qaadi karin Siyaasadda dowladda ay majaraha u hayaan.

NISA oo ah Hay'ad muhiim ah, islamarkaana inta badan ay madaxda sare ee dalka si gaar ah ula shaqeysa ayaa waxaa gacanta ku haya oo dhaqaalo ku bixiya dowladda Mareykanka, oo arrimaha sirdoonka kala shaqeysa.

Ciidamada NISA waxay si buuxda uga howlgalaan caasimadda Muqdisho, iyadoo fulisa howlgallada gaarka ah, oo ay kamid yihiin weeraro dhowaan dowladda ku qaadey Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur 17-kii December, 2017-dii.

Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo labaduba min labo jeer soo qabtey xilalkan ayaa shaqada laga eryay bishii bishii October, 2017, kadib qaraxii Zoobe oo in ka badan 500 oo qof ay ku dhimatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM