Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweynaha iyo Hogaamiyaha SSC-Khaatumo?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye oo ah hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin bulshada ku dhaqan maamulka SSC-Khaatumo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu kulanka socday waxa uu warbixin ka dhageystay Cabdiqaadir Firdhiye. Warbixintu waxay iftiimisay khasaaraha dadka deegaanka ka soo gaaray dagaalladii siddeed bilood ka socday magaalada Laascaanood, kaasoo sababay dhimashada dad badan oo rayid ah.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka mid wafuudda la socotay hogaamiyaha SSC-Khaatumo & mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Halka labada mas’uul ay dood ka yeelan doonaan arrimaha hor tabinta u leh shacabka maamulkaas iyo masiirkoorddii siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM