Maxaa kasoo baxay kulankii gudoomiyaha Baarlamaanka iyo mucaaradka Koonfur Galbeed?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa daaha ka rogay kulan dhaxmaray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe.

Kulankan ayaa looga arrinsaday heshiiskii Baydhabo iyo doorashada soo socta ee Dowlad-Goboleedka koonfur Galbeed, sida uu uga warbixyay Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ka dib shir-jaraa’id uu maanta qabtay.

Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha mucaaradka ee ku aadan doorashada maamulkaasi, isaga oo xaqiijiyay in dhamaan musharaxiinta xilka madaxtinimada ay tagi doonaan Xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed si loo guda galo howlaha doorashada.

Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isku diyaarineysa doorasho Baarlamaan iyo mid Madaxtooyo-ba taas oo la soo gabgabeey doono bisha January ee sanadka 2024kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM