Maxaa kasoo baxay Shirkii Gollaha Wasiiradda Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay Shalay oo Khamiis ahayd kulankoodii Todobaadlaha ahaa, kaasoo uu shir gudoominayay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn, wuxuu Gollaha uga warbixiyay safaro uu dhawaan ku tagay dalalka Denmark iyo Rwanda, oo Yurub iyo Africa ka kala tirsan, halkaasoo uu kula soo kulmay Madax iyo mas'uuliyiin sare.

Khayre ayaa u sheegay Wasiiradiisa shirka xaadirka ku ahaa in socdaalkiisa uu ahaa mid muhiim ah, islamarkaana ay kasoo baxeen natiijooyin muhiim u ah dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Mudadii uu Khayre joogay Denmark wuxuu ka qeybgalay Madasha "Olso Froum 2918", isagoo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay iyo madax kale oo kuwa Norway kamid ah, halka mudadii uu Rwanda joogay la kulmay Paul Kagame.

- Dhageysiga Warbixino -

Gollaha waxay warbixino ay ka dhageysteen Wasiiru Dawlaha amniga gudaha iyo Wasiirka difaaca, kuwaasoo ka hadlay amniga guud ee dalka, horumarrada laga sameeyay howlgallada socda iyo qorshayaasha cusub ee hanashada amaanka dalka.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta, oo kamid ah Guddi loo xil-saarey Xuska 26-ka June iyo 1-da July, oo loogu dabaal-degay maalmaha Xorriyadda, ayaa u sheegay Gollaha in howshoodu meel fiican ay mareyso.

- Ansixinta -

Gollaha Wasiiradda ayaa waxay meel-mariyeen xisaab xirka miisaaniyadeed ee dowladda sanadka 2017 oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda Maaliyadda ee Xukuummada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidaasi si lamid ah, Golluhu wuxuu si buuxda u meel-mariyay hindise sharciyeedka hay’ada dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Kulanka Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo ay isugu yimaadaan xubnaha Wasiiradda ee xukuumadda, ayaa waxaa la qabtaa Asbuuc walba maalinta Khamiista iyadoo looga hadlo arrimaha todobaadkas taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM