Maxaa kasoo baxay war-murtiyeedka DFS & SSC-Khaatumo?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Axmed Macallin Fiqi, iyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa si wadajir ah heshiis uga gaaray arrimo kala duwan oo xasaasi ah oo khuseeya Maamulka SSC-Khaatumo iyo dalkba..

Ka dib doodo iyo falanqeyn ballaaran oo ku saabsan arrimo siyaasadeed, amni, iyo bani'aadanimo, waxa ay labada mas’uul isku waafaqeen qodobda soo socta:

1. Xukuumadda Federaalku waxay mar labaad taageeraysaa go'aanadii Isimada Dhaqanku ay Shirweynahoodii Laascaanood ka soo saareen 06/02/20223, ayadoona soo dhawaynays, islamarkaana la shaqaynaysa Maamulka KMG ee dadka deegaanku dhisteen.

2. Xukuumadda Federaalku waxay markasta ku baaqaysaa gacanna ka gaysanaysaa dedaal kasta oo nabad iyo xasillooni ku soo dabbaalaya deegaankaas. Iyadoo wixii khilaaf ah na lagu dhammaynayo wadahadal iyo wada xaajood. Waxayna Maamulka SSC-Khaatumo ku boorinaysaa sida ay diyaarka ugu yihiin xabbad joojinta iyo nabad ku wada noolanshaha.

3. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Soomalilaan iyo Maamulka SSC-Khaatumo in ay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan labada dhinac, waxayna Xukuumadda Federaalku diyaar u tahay in ay fududayso hawlaha arrintaas ka xidhiidha.

4. Xukuumadda Federaalku ayaa ka duulaysa masuuliyaddeeda waxay si degdeg ah uga hawlgelaysaa dib u soo noolaynta iyo tayaynta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo guud ahaan arrimaha bani'aadantinimada.

5. Xukuumadda Federaalku waxay ugu baaqaysaa hay'adaha Dawladda, bulshada Soomaliyeed iyo beesha Caalamka in ay gargaar bani'aadnimo oo degdeg ah lala gaaro deegannadaas.

Heshiiskan ayaa muhiim u ah horumarinta midnimada iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya dhexdeeda, iyo fulinta ballanqaadka Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan wax ka qabashada caqabadaha ka jira gobolka iyo horumarinta nabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM