Maxaa laga filaa safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Kismaayo?

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binuaaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan.

Waxa ay sidoo kale ka hadli doonaan dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee la dagaalanka ‘AS’, xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM