Maxaa xilka looga qaadey Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Waxbarashada ayaa maanta oo Axad ah soo saartay wareegto Madaxweyne oo xilka looga qaaday Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Xasan Cumar Mahadalle, iyada oo Dr. Xasan Cismaan Gacal loo magacaabay sii haya xilkan.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay is afgaran waayeen Guddoomiyaha Jaamacadda & Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Cabdullaahi Makki.

Khilaafkan ayaa ka dhashay xubno ay labada dhinac doonayeen inay xilil ka qabtaan Jaamacadda, wuxuuna khalkhal geliyay habsami u socodka howlaha Jaamacadda, isla markaana geliyay marxalad u baahan faragelin uga timaada madaxda sare, sida ay sheegeen dad ku dhow dhow maamulka jaamacadda.

Guddoomiyaha ayaa todobaadkii hore ka hadlay in uu jiro khilaaf ka dhex aloosan maamulka, isagoo sidoo kalena caddeeyay inay ka go’an tahay inuu isbeddel ku sameeyo si loo saxo khaladaadka uu u arkay inay yihiin kuwoo saamayn taban ku leh mustaqbalka ardayda.

Guddoomiyaha ayaa yiri: "Waxaa jira macalimiin ay tahay in la bedelo, laakiin waxaa jira cadaadis nooga imaanaya dad wax gal ah oo ka soo horjeeda arrintaasi, iyagoo u dhigaya marmarsiiyo kala duwan.”

Waxaa xusid mudan in mid ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda iyo Madaxa Qeybta Saxaafadda ee Kulliyadda Culuumta Bulshada uu dhawaan ku biiray ururka ‘AS’, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay, isaga oo u gudbiyay ardayda Jaamacdda buug uu ku qoray afkaartiisa xagjirnimada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM