Maxaa xilligan xasaasiga ah loogu soo beegay heesta "Nabar iyo Naxdin"?
MUQDISHO, Soomaaliya – Fanka Soomaalida ayaa xilliyadda qaar lagu sheegaa "mid siyaasadeysan". Tan iyo dhamaadka asbuucii hore, waxaa baraha bulshadda qabsaday Hees hal ku dhig looga dhigay "Nabar iyo Naxdin".
Fanaaniinta soo qaadey ee tirsan koox faneedka "Waayaha Cusub" oo maamulkoodu hadlay ayaa xusay in ay ku durayaan xukuumadda hadda haysa taladda waddanka oo loo garan-og-yahay Nabad iyo Nolol.
Shiine Akhyaar, gudoomiyaha "Waayaha Cusub", ayaa ujeedada ay u soo qaadeen Heesta ku sheegay "difaacida xorriyadda hadalka iyo in aan bulshadda u kala saarno xisbiga Nabad & Nolol iyo qarankeena".
Doodda ay abuurtay Heesta ayaa cirka isku sii shareeray markii ay saacado kooban "dislikes" ku saareen kumanaan kun oo ruux. Balse wuxuu aaminsan yahay in arrintaas ay ka dambeysay dowladda.
"Screen shot la sameeyo, baragabaando social media-ha lagu sameeyo, xorriyatulka qowlka oo la caburiyo, dislike badan oo fake ah oo la gato, lacagtii dadka tabaaleysan daryeel loogu sameyn lahaa ama dadka dhibaatada fatahaaduhu ku dhaceen wax loogu qaban lahaa in maanta social media loo adeegsado, iyaddoo ujeedka ay ka leeyihiin ay tahay in ay caburiyaan xorriyadda hadalka dastuuriga ah iyo kala aragti duwanaanshiyaha waa ayaan darro weyn runtii, wax saameyn badan naguma yeelaneyso oo aan ka ahayn in Umadda in badan ay ogaato beenta iyo barabagaadada, qowleysatada iyo canaasiirta Nabar iyo Naxdin si fiican loo wada arko," ayuu u sheegay Dalsan Tv.
Heesta ayaa lasoo geliyey barta YouTube, halkaas oo sidda daawashadda ama views-ka loo iibsan karo si lamid ah loo gadan karo dislikes-ta.
Dowladda Farmaajo ee mudada xileedka uu gabaabsiga ka yahay ayaa horey loogu eedeeyay in ay laaluush siiso warbaahinta si aysan u baahin wararka liddiga ku ah iyo wariyeyaal kale oo baraha bulshadda ku ammaana.
"Nabad iyo Nolol waxay kamid yihiin axsaabta kale ee dalka ka jirta ee la diiwaan-geliyey ee u taagan in ay ka qeybgalaan tartanka doorashadda," ayuu Shiine raaciyey, isagoo tibaaxay in ay Heeso kale soo saari doonan.
Badi fanaaniinta ka tirsan "Waayaha Cusub" ayaa ah qurba-joog, qaarkood qaxooti ku ah qaar kamid ah wadamadda Yurub. Bilowga aaskooda waxay ku noolaayeen Nairobi, magaala madaxda Kenya.
Maxaa xilligaan xasaasiga ah kusoo beegay?
Xafiisyadda madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ayaa shaqaaleysiiyey koox gaar ah oo ka shaqeysa in ay baraha bulshadda ku dayaacadeen siyaasiyiinta kasoo horjeeda, waxaana ay leeyihiin miisaaniyad gaar ah.
Soo saarista Heesta ayaa kusoo aaday xilli dalka uu ku jiro mar-xalad kala guur ah isla markaana loo diyaar-garoobayo doorasho aan wali lagu heshiin. Dad waxay ku dhaliileen sababtaas darteed, balse Shine ayaa u jawaabay.
"Heestaan waxaa xiligaan kusoo aadiyey waa xilli xasaasi ah, sababtoo ah saddex sano hadaan soo saari lahayn waxaan noqon lahayn dad qaranka la dagaalamaya, fududaaday waqti aan siin, maadaama shaqadeynu tahay waxaan ku qasbanaanay in aan umaddayada aanu garab istaagno, waxaanu u aragnay in ay tahay xilli isbedel aanu promote-gareyn karno oo ay tahay xilli waqtiga uu ka dhamaaday oo aan xaq u lahayn in ay soo laabtaan; tan labaad waxay sameysteen xisbi, kolkii hore waxay nagu adkeyd in aan suugaan u isticmaalno dhaliishooda," ayuu Shiine Akhyaar kaga jawaabay su'aasha waxa xilligaan kusoo beegay.
Shiine oo beeniyay in ay "gacansaar la leeyihiin xisbiyadda mucaaraadka ayaa rumeysan in xukuumadda Nabad iyo Nolol ay leedahay laba sifo oo maleeyshiyaadka argagixisadda Al-Shabaab looga bartay".
"Al-Shabaab waxay baraganaadno ku duufsadaan dadka, waxayna gaaleysiiyaan dadka ka hor-yimaada; xukuumadan waxay dhaqaalo ku bixisaa marin-habaabinta dadka iyo dadka kasoo horjeeda oo qaranimadda ay ka saarto; marka waxay ila tahay in ay dhiseen dad fekerka Al-Shabaab qaba," ayuu xusay.
Isagoo u waramay telefishinka Universal, gudoomiye Shiine Akhyaar oo ka jawaabay su'aal ahayd 'fanaan miyaa tahay mise siyaasi?' ayaa yiri "waxaan ahay activist Soomaaliyeed oo u taagan in uu difaaco xorriyada hadalka".
Xukuumadda ayaanan wali ka jawaabin eedeymaha iyo Heesta. Balse, taageereyaasheeda waxay wadaan olole balaaran oo looga soo horjeedo.
Digriyow Cabdi iyo Dalmar Abuubakar [Dalmar Yarre] oo ka tirsanaa "Waayaha Cusub" ayaa sheegay in aysan qayb ka ahayn Heestaas. Shiine oo ka falceliyey wuxuu sheegay "in aysan u colaadin doonin mowqifka ay qaateen".
Koox faneedka "Waayaha Cusub" oo tan iyo markii la aas-aasay sanado kahor ku caan ku ahayd in ay fankooda ku cabiraan xaaladaha taagan ayaa suugaan ku weeraray ciidamadii Itoobiya, qabqablayaashii iyo ururka Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE