Maxaabiis mudo ku xirnaa India oo Muqdisho laga dejiyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qeybtii kowaad ee mabaaxiista ku xiran Xabsiyada dalka India ayaa dib u helay xuriyadooda, waxaana dib loogu soo celiyay dalkoodii hooyo oo mudo sanado ah ay ka maqnaayeen.

Diyaarad gaar ah oo siday 41 burcadbadeed laga soo musaafuriyay India ayaa kasoo dagtay Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho, iyadoo ay soo dhaweeyeen Ra'iisul Wasaare Khayre, Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir iyo madax kale.

Safaaradda Soomaaliya ee India ayaa fududaysay safarka Maxaabiista dib loogu soo celiyay Soomaaliya, kuwaasi oo kamid ahaa 117 burcad-badeed ah oo 2011 ciidanka India ka qabteen xeebaha Soomaaliya.

Maxaabiista kale ayaa ku kala xiran xabsiyo kale duwan oo uu kamid yahay mid ku yaalla Taloja, kuwaasi oo dhibaatooyin dhanka nolosha ku haysta xabsiyada, iyadoo qaar ay u dhinteen xanuunka TB-da, oo laga daaweyn waayay.

Maxaabiista la keenay Muqdisho ee 41-ka ah ayaa mudo maalmo ah ku sugnaa saldhigga Booliska Yellow Gate, kadib markii laga soo daayay xabsiyadii ay ku jireen, iyagoo halkaasi ku sugayay safarkooda dhanka Muqdisho.

Mudo 7 sano ayay Maxaabiistan ku xirnaayeen dalka India, iyadoo ay xukunno kala duwan ku riday Maxkamad ku taalla dalkaasi, oo ku heshay eedaymo la xiriira burcad-badeednimo.

Bishii March 12, 2011, Markab dagaal oo lagu magacaabo Kalpeni ayaa ka qabtey dadkan biyaha Soomaaliya, iyadoo isku dayay inay afduubtaan markab ganacsi oo lagu magacaabo Sagittarius Leader.

Waxaa la xukumay August 2, 2017, balse wadahadal iyo heshiis ay dowladda Federaalka la gashay India ayaa horseeday sii deynta mabaaxiistan, iyagoo dib loogu celinayo deegaanada ay kasoo jeedaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM