Wasiirkii Waxbarashadda maamulka Jubbaland oo geeriyooday

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Wasiirkii Waxbarashadda Jubbaland, Maxamed Ibraahim Maxamuud, ayaa fiidnimadii caawa ku geeriyooday dalka Hindiya, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan.

Telefishinka ku hadla afka maamul goboleedkaas ayaa wariyey in marxuumka uu ku dhowaad shantii bilood ee lasoo dhaafay uu xaalad caafimaad ugu sugnaa dalkaas dhaca qaaradda Aasiya.

Sidda ku xusan warbixin, maalmihii lasoo dhaafay xaaladiisu ayaa waxay ahayd mid ka soo raynaysay siddii ay hore ahayd.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] iyo mas'uuliyiinta kale ee Jubbaland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkiisa.

"Madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, labada madaxwayne ku-xigeen, golaha wasiirrada iyo dhammaan xildhibaanada golaha shacabka Jubbaland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay marxuumka, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed geeridan xanuunka badan ee wasiirka ku timid," ayaa lasoo dhigay barta Facebook ee Telefishinka maamulka Jubbaland.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Hoygiisa jannadii fardowso Allaha ka dhigo Samir iyo imaan buuxana Allaha inaga wada siiyo".

Sikastaba, ma cadda hadii marxuumka lagu aasi doono gudaha dalka Hindiya ama in loosoo qaadi doono magaaladda Kismaayo, si halkaas loogu sameeyo Aas Qaran oo madax ay kasoo muuqato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM