Maxay ka wada hadleen dalalka Soomaaliya iyo Serbia?

Image

NEW YORK, Maraykanka - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac "Huruuse" ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Ivica Dačić oo ka qeyb galayay shirweynaha 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada tacliinta, tignoolajiyada iyo ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Wasiirada ayaa ballan-qaaday inay qaabayn doonaan iskaashiga labada dal iyo sidii loo dardar-gelin lahaa mashaariicda horumarineed ee wadajirka ah, si labada dal iyo shacabkooda loo jiheeyo hormar.

Soomaaliya iyo Seerbiya waxa ka dhexeeya xiriir qoto-dheer oo soo bilaabmay dabayaaqadii 1960-kii; waxaana saldhig u ah ixtiraamka madax-bannaanida dhuleed ee labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM