Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Safiirka Dowladda Ingiriiska?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska Amb. Mike Nithavrianakis.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjiraha ayaa looga hadlay sidii Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingriiska u yeelan lahaayeen xiriir wadashaqeyn.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in UK ay diyaar u tahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ka taageerto dhameystirka Dastuurka KMG ah oo ay kalfadhigaan labada aqal ka shaqeyn doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo boggaadiyay dadaalka iyo taageerada Dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dalka ku talaabsanaayo horumar dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo in meel wanagsan uu maraayo dagaalka lagula jiro Kooxda ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM