Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Afwerki?

Image

RIYADH (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahalday xaaladda gobolka iyo adkeynta xiriirka ka dhexeeya shacabka labada dal, waxayna isla qaateen in wadajir loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan.

Madaxweynaha ayaa wada kulmada oo la qaadanayo madaxa Afrika iyo wadama Carabta ka dib shir madaxeedka maalinta Sabtida ku qabsoomay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha uu dib ugu soo laabto dalka ka dib booqashadan uu ku tagay dalka Sucuudiga, si uu u guda galo dadaallada dalka looga xoreynaayo kooxaha argagaxisada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM