Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa & Danjiraha Sweden?

Image
Sweden ayaa sheegay lacag ku biiranaysa Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS).

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Joachim Waern.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka daxeeyo labada dal iyo taageerada ay Sweden siiso dowladda Soomaaliya.

Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern ayaa sheegay in dalkiisu uu ku biiranayo lacag Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka uga mahadceliyey dowladda Sweden oo maanta ku dhawaaqday in ay ku soo biirtay Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya ee (TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Sweden u fidiso Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM