Maxay ka wada hadleen Wasiirka Shaqada iyo Safiirka Qatar?

Image

MUQDIHSO, Soomaaliya - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa maanta kulan la qaatay Danjire Dr. Cabdalla Salem Alnuaimi, Safiirka Qatar ee Soomaaliya. 

Diirada kulanka ayaa ku salaysnayd arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shaqo abuurka iyo horumarinta xirfada siinta bulshada. Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya, waxaana ay soo hadal qaateen mashaariicda socda ee ay wadaan Wasaaradda iyo Dowladda Qatar.

Intii uu socday kulanka waxa uu Wasiir Ibraahim warbixin guud ka bixiyay qorsheyaasha Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta shaqo abuurka iyo tayeynta xirfadaha bulshada, gaar ahaan dhallinyarada. 

Danjire Alnuaimi ayaa qiray xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo.

Gabagabadii, Wasiir Ibraahim ayaa uga mahadceliyey Danjire Alnuaimi soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, wuxuuna ku celceliyay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM