Maxay ka wada Hadleen Xasan Sheekh & Wasiirka Difaaca UK?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Wasiirka Difaaca ee Boqortooyada Ingiriiska James Heappey, inta uu ku sugnaa magaalada London.

Wasiirka Difaaca UK ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u xaqiijiyey in UK ay sii wadidoonta taageerada ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan Al-Shabaab.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Difaaca ee Boqortooyada Ingiriiska James Heappey ayaa sidoo kale waxa ay diiradda ku saareen shirka amniga Soomaaliya ee dhowaan ka filayo in uu ka dhaco magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkaan gaaray magaalada London halkaas uu uga qeyb galayey shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM