Maxay ka yiraahdeen DF Soomaaliya iyo Somaliland “gaboodfalladii” ay geysatay dawladdii mileteriga?

Image
Labada dhinac ayaa isla qaatay 8 qodob oo muhiim ah.

JABUUTI (GO) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo saaray Warmurtiyeedka wadajir ah oo ku saabsan Shirka Djibouti ee wadahadalada labada dhinac.

Warmutiyeedka ayaa ka koobna 8 qodob oo ay isla qaateen labada dhinac, oo xeerinaya shuurcda hagaysa sii wadida geeddi-socodka wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Qodobada ayaa ah sida tan:

1. In dib loo bilaabo geeddi-socodka wadahadaladii u dhexeeyey labada. dhinac, ayadoo diiradda lagu saarayo, saldhigna looga dirigayo arrimaha masiiriga ah si loo gaadho xal-waara.

2. In labada dhinac ay muddo 30 maalmood gudahood ah ay isla meeldhigaan hannaanka geeddi-socodka (Roadmap) wadahadalada arrimaha masiiriga ah isla markaana la soo magacaabo guddiyo farsamo oo arrimahaas fududeeya.

3. In labada dhinac ay si wadajir ah u fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay wadahadalii labada dhinac horay ugu dhexmaray.

4. In garowshiyihii dawladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfalladii, iyo burburkii dawladdii mileterigu ay ka geysatay Somaliland (gobollada Waqooyi) la sii adkeeyo ka garaabiddiisa.

5. In labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amniga, la dagaalanka faldambiyeedyada abaabulan ayadoo ay xiriir buuxa ka yeelanayaan arrimahaas hey'adaha u xilsaaran.

6. In goobaha iyo gobollada ay colaaduhu ka jiraan nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo, isla markaana la joojiyo ayadoo loo marayo dhaqankeenii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.

7. In labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraaladda iyo wax kasta oo wax u dhimaya Jawiga wadahadalada ee socda.m

8. Labadi wafdi ee ay kala hogaaminayaan labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya waxay si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dawladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabuuti martiqaadka, soo dhowaynta iyo daadihinta shirarka labada dhinac. Waxayna ku boorinayaan madaxweynaha inuu arrintaas sii ambaqaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM