Maxay kawada hadleen Khayre iyo Wafdiga India? [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta soo gaarey magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, Wafdi balaaran oo ka socda dowladda India, kaasi oo kulan la qaatay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaamineysay Safiirka India ee Soomaaliya, oo lagu magacaabo Suchitra Durai, taasoo ay la socdeen diblumaasiyiin kale oo wadankeeda kala yimid.

Labada dhinac ayaa waxay kawada hadleen arrimo ku saabsan xoojinta xiriiirka ka dhaxeeya Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Danjire Suchitra Durai ayaa sheegtay in dowladeeda ay ka go'an tahay sidii ay usii wadi lahayd dowladeeda taageeradda ay siiso xukuumadda Muqdisho, taasoo isugu jirta dhinacyadda amniga iyo dhaqaalaha.

Wararka ku xeeran kulanka ayaa waxay intaas ku darayaan inay isla soo qaadeen mas'uuliyiinta kulmay arrimo ku saabsan Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Hindiya, iyo sidii loosii dayn lahaa.

Maxaabiista ku xiran dalka Hindiya ayaa u xiran fal-dambiyeedka kala duwan, kuwaasoo u badan Burcad badeednimo, iyadoo ay jireen Maxaabiis badan oo horey looga soo sii daayay Xabsiyadda India.

India kuma lahan magaaladda Muqdisho wax safaarad ah ama Qunsuliyad, laakiin inta badan dalalka aan Safaaradaha ku lahayn dalka waxaa howsha iyo xiriirka diblomaasiyadeed usii wada Safiiradooda u fadhiya Kenya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM