Maxay kawada hadleen Wasiir Cawad Iyo Safiirka Imaaraadka?

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa waxuu kulan kula yeeshay Xafiiskiisa, Safiirka dowladda Imaaraadka u fadhiya magaaladda Muqdisho, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Sida uu fahansan yahay Warsidaha Garowe Online, kulankooda waxaa diiradda lagu saaray xiriirka labadda dal, kaasoo bilooyinkii u dambeeyay ahaa mid hooseeya, oo sii xumaanayay.

Wararka uu GO ka helay kulanka dhex-maray labadda mas'uul waxay tilmaamayaan inay dib u eegis ku sameeyeen cilaaqaadka labadda dowladood, islamarkaana ay kawada hadleen sidii cilaqaadka Soomaaliya iyo Imaaraadka loo hagaajin lahaa.

Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, ayaa kulanka ka sheegay inay diyaar u yihiin dhankooda sidii ay halkeedii uga sii wadi lahaayeen taageeradda ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Dhinaciisa, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ay ka go'an tahay wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka.

Bogga xiriirka Bulshadda ee wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu xaqiijiyay kulankaan ayaa waxaa sidoo kale lagu bidhaamiyay qodobada kulanka leyskula soo qaaday oo u badnaa arrimaha xiriirka labada dal iyo sidoo caadi loogu soo celin lahaa.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xumaaday kadib markii Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ay ka qabteen ciidamada Nabad Sugidda 8-dii April Lacag loogu tala galay in lagu caawiyo Ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena si xun loola dhaqmay Diblumaasiyiin Imaaraati ah.

Shirkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo bilooyinkii u dambeeyay ay socdeen guux ku aadan in la dhex-dhaxaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyadoo dowladda Itoobiya ay arrimahaasi qeyb ka tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM