Maxay Mas’uuliyiinta Dowladda ka yiraahdeen Go’aankii Golaha amaanka?

Image
Cunaqabateynta hubka ayaa lagu soo rogay Soomaaliya sannadkii 1992-kii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka ee saarneyd muddo 31 sano ah, iyadoo 14 ka mid ah 15-ka xubnood ay u codeeyeen qaraarkan.

Tallaabadan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya u sahlaysa in ay soo iibsato hub culus oo casri ah oo ay uga faa’ideysato dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Go’aankan ayaa yimid ka dib booqasho uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak.

Go’aanka ayaa ku yimid taageerada Ingiriiska si loo dhiso ciidan casri ah oo awood u leh in ay qaataan mas’uuliyadaha amniga iyo ciribtirka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah gobolka Bariga Afrika.

Cunaqabateynta ayaa lagu soo rogay Soomaaliya sannadkii 1992-kii, taasoo ka dhalatay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana ay ahayd tii ugu dheerayd ee taariikhdan casriga ah.

Sidee ayay madaxdu uga jawaabeen go'aankan?

Qiimeynta GaroweOnline ay sameysay ayaa ku ogaanay in inta badan dadkii ka hadlay go’aankan ay si wanaagsan u taageereen, waxaana ka mid ah siyaasiyiin, Xildhibaano, iyo mas’uuliin kale, iyadoo sidoo kale ay jireen codad muujinaya cabsida ay ka qabaan go’aankan.

Madaxweynaha JFS Xasan sheekh Maxaxmuud ayaa yiri:

“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa yiri

“Soomaaliya waxay fursad u heli doonta in ciidanka lagu qabalabeeyo hub casri ah, iyada oo caqabad kala kulmeenin, sidoo kale ciidanka xoogga ayaa awood u lahaan doona in ay ka guuleystaan AS.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa yiri:

“Ku dhawaad 31 sano kadib in Soomaaliya laga qaado cunaqbateynta hubka waa tallaabo horey loo qaaday oo ka mid ah Dowlad-dhiska Soomaaliya, guushaan waxa ay wax weyn ka taraysa xasiloonida, nabadda dalka iyo in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay helaan qalabeyn xoogan si ay kaga guuleystaan ‘AS’”.

Dhinaca kale, maamulka ka arrimiya Puntland ayaa u muuqda mid aan la dhacsanayn go’aankan iyo go’aamo kale oo ay dowladda Federaalka u aragto guulo ay ka mid yihiin dhameystirka dastuurka iyo cafinta daymaha lagu leeyahay.

Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamed S.Faroole ayaa yiri:

“Uma baahnin hub badan, waxaan u baahanahay Nabad iyo dib u heshiisiin, xaaladda Soomaaliya ee hadda wax badan kama duwana tii 1992, marka in Cunaqabateynta laga saaro dalka waa Qalad weyn, Cabsi ayaana ka qabaa.”

Lama oga in ra’yigan uu ku kooban yahay shaqsiga wasiirka iyo in ay qeyb ka tahay siyaasadda madaxweynaha xilka ka sii degaya Saciid Deni oo dagaal siyaasadeed kula jira dowladda Federaalka.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in go'aankani uu isbeddel muhiim ah u horseedi karo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Aragtida madaxweynaha in dalka oo idil lala wareego muddo hal sano gudaheed ayaa u muuqada mid lagu guuleysan karo haddii galkan loo maamulo si sax ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo soo afjary hadalkii ahaa dalka kama bixi kara

Dowladda federaalka ayaa soo saartay amar lagu xirayo Axmed Madoobe, taas oo sii murjisay xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    18-01-2025

  • 12:18PM

Soomaaliya: Xamse Cabdi Barre oo eedeeyay Xukuumaddiisa

Waxaa la sugayaa jawaabta ay ka bixin doonto Villa Soomaaliya iyo saameynta ay hadalkan ku yeelan karto arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2025

  • 10:28AM