Maxay yihiin ciidamadda ay Eritrea u tababareyso Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Jimco ah wuxuu socdaal aan horey loosii shaacin ugu ambabaxay Asmara, caasimada waddanka Eritrea.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa aad uga fogaatay in ay baahiso macluumaadyo dheeraad ah oo ku saabsan ujeedka socdaalka Farmaajo.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Farmaajo u safray Eritrea casuumaad uu ka helay dhigiisa.

"Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Asmara halkaas oo uu wada hadallo lagu xoojinayo xiriirka labada dal kula yeelanayo Madaxweynaha Eriteriya Mudane Isaias Afwerki," ayaa lagu yiri qoraalka.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in socdaalka Farmaajo uu daaran yahay ka qeybgalka xaflad tababar loogu soo xirayo ciidamo gaar ah oo ay Eritrea u tababartay sirdoonka Soomaaliya.

Warbixinadda ayaa xusay in Farmaajo uu heshiis dhanka ammaanka ah gaar ahaan tababarka ciidamo dheeraad ah oo loogu talagalay doorashooyinka 2020-21 uu la galayo Afwerki.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo xukuumadda ay horey u beenisay in ay ciidamo u dirtay Eritrea kadib markii ay soo baxeen waalidiin ka cabanaya in wiilal ay ka maqan yihiin.

Dowladda Farmaajo oo xiriir soke la leh Qadar, Turkiga, Eritrea iyo Itoobiya isla markaana ciidamo u tababara ayaa lagu eedeeyay in ay askarta u adeegsato caburinta maamulada ka aragtida duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM