Maxkamad ayiday Xukun dil ah oo lagu riday Sarkaal Ciidan [Daawo]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa ayiday xukun dil ah oo horey loogu xukumay Korneel Cabdinaasir Xoosh Maxamed oo dilay Sarkaal kale.

Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa lagu helay inuu dilay Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Soomaaliya bishii January ee sanadkan.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in Maxkamadda ay diiday racfaanka uu Cabdinaasir ka qaatey xukunkii ay ku riday Maxkamada 1aad.

20-kii bishii Febuary ee sanadkan, ayay Maxkamadda darajada kowaad ku xukuntay Gaashaanle sare Xoogga dalka Gaashaanle sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed xukun dil toogasho ah.

Liibaan Cali Yarow sheegay in markii la dhageystay doodii dhinacyada xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida iyo qareenkii difaacayay rafcaanlaha uu yahay danbiile galay danbigii lagu soo oogay.

Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku raacday Xukunkii Maxkamada Darajada koowaad oo ahaa xukun dil ah oo loogu qisaasayo dilkii uu u geystay Marxuum Siciid Aadan Yuusuf (Mariino).

Cabdinaasir, oo 54-sano jir ah oo ka warbixiyay garsoorka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa qirtay in Xabad ka dhacday Bastoolad uu watay madaxa ka haleeshay Marxuum Siciid Mariino, sidaasina u geeriyooday.

Hoos ka Daawo Xukunka Maxkamadda:

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM