Maxkamada Racfaanka oo u fariisatay dhagaysiga dacwad Musuq-maasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa saakay u fariisaneysa dhageysiga 2aad ee dacwad Musuq-maasuq ah oo loo heysto mas’uuliin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga dhaxe.

Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir, Saciid Cali Maxamed ayaa sheegay in maanta ay maxkamaddu u fariisan doonto dacwadda saddex eedeysane, kuwaas oo 8-dii bishan racfaan ka qaatay dacwadda ka dhanka ah.

Guddoomiyaha ayaa ku celiyay codsi ku aaddanaa in uu wakiilka Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud soo bandhigo dhammaan caddeymaha loo cuskan karo dacwadda ka dhanka eedeysanayaasha.

Dhagaysiga labaad ee ay Maxkamadda racfaanku ka yeelanayso eedeysanayaashan ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM