Maxkamadda Ciidamada oo dil ku fulisay Askari ka tirasaana CQS

Image

XARARDHEERE, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa xukun dil ah oo ay ku dhawaaqday 15kii bishan ku fulisay Shariif Abshir C/raxmaan Jaamac (Shariif Jinni).

Shariif Jaamac ayaa lagu helay in uu dilay Siciid Cali Cabdi Shabeel oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka.

Go’aanka maxkamadda ayaa lagu shaaciyay qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda. Qoraalka ayaa lagu sheegay In hubka loogu dhiibay ciidamada si ay dalka uga saaraan cadowga ee ma aha in ay iyagu is dilaan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa horey uga digtay in la qalqal geliyo amaanka magaalooyinka lagala wareegay ‘AS’. Waxayna ciidamda ku booriyeen inaan lagu mashquulin ficilo wax u dhimaya darajadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM