Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay askari dilay nin dhalinyaro ah

Image

GURICEEL, Soomaaliya - Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Dable lagu magacaabo Cabdisalaan Cali Axmed.

Cabdisalaan ayaa 9-kii bishan lagu eedeeyay inuu bartamaha laamiga Guriceel ku dilay Cabdulaahi Cali Huday oo ka mid ahaa dhalinyarada wax baratay ee degmadaasi ku dhaqan.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay xukun ku riday Eedeysanayaasha aan kor ku soo xusnay, kadib markii ay soo xireen Ciidamada Sirdoonka Qaranka iyo kuwa Booliska Degmada Guriceel.

Xukunka toogashada ah oo ka dhacay magaalada Guriceel ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida, ehelada marxuumka la dilay, iyo dadweyne fara badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM