Maxkamadda CQS oo u fariisatay dhagaysiga dacwada 10 ruux oo tababar ku soo qaatay Buurta Galgala

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa markale u fariisatay garmaqalka 10-ruux oo ku eedeeysan ka mid noqoshada kooxda Al-shabaab.

Tobankan qof ayaa u socdaalay buuraha Galgala si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaalaysan buuraha Puntland, halkaas oo ay tababar ku soo qaateen.

Eedeysanayaasha ayaa ka qeyb galay dagaallo ka dhacay deegaanada Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ciidamada ayaa ka soo qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo, ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidamada Danab, sida uu sheegay dambi baaraha kiiskan.

Qareenka difaacayay eedaysanayaasha ayaa maxkamada u sheegay in ay damacsanaayeen in ay isku soo dhiibaan ciidanka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa soo gabagabeysay baaritaankii ay ku sameyneysay kiiskaasi, waxaana ay sheegtay inay dib ka soo saari doonto go’aanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM