Maxkamadda G/Banaadir oo xukun ku riday Matt Bryden

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun xabsi 5 sano ah ku riday Maanta oo Talaado ah Matt Bryden, oo ah agaasimaha guud ee hay'adda cilmi-baarista Sahan, taasoo ka shaqeysa dalal dhowr ah oo ku yaalla Geeska Africa.

Matt Bryden, ayaa lagu eedeeyay isaga iyo shan qof oo kale oo uu ku jiro Rashid Abdi inay bixiyeen xogta amaanka qaranka iyo mida militeriga Soomaaliya, oo ay ku dabaceen bogga Sahan Research.

Bishii April ee sanadkan ayay Maxkamadda u yeertay eedeysaniyaasha inay Muqdisho yimaadaan 29-ka May, balse u hogaasami waayay amarka, waxaana la xukumay Maanta iyagoo maqane ah.

Lixda qof ayaa sidoo kale lagu eedeeyay basaasnimo. Kuwa kale ee ku jira warqadda dacwadda waxaa ka mid ah Colin Robinson, oo isku tilmaamay inuu yahay falanqeeye milateri iyo difaac, Khayre Cabdiraxmaan Raage, Emmanuel Deiser iyo David Hopkins.

Dadkan ajnabiga ah ayaa fadhigoodu yahay Kenya, waxayna wax ka qoraan arrimaha siyaasadda iyo amniga Geeska Africa, oo Soomaaliya kamid tahay, waxaana lagu eedeeyaa inta badan inay dusiyaan macluumaad xasaasi ah, oo aan warbaahinta loogu tala-galin.

Hay'adda Sahan waxaa laga joojiyay inay ka shaqeyso Muqdisho December 2018, kadib markii maamulka Farmaajo ee waqtigiisu dhamaadey u arkay inay khatar ku tahay jiritaankiisa.

Bryden oo horey ugu soo shaqeeyay UN monitoring Group oo dusha kala socota cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa la cayriyay Muqdisho 2 sano kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM