Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysane Sayid Cali

Image
Dilka marxuumad Luul ayaa waxaa uu ka dhacay degmadda Dharkeynleey ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysane Sayid Cali Macalim Daauud oo ku eedeysan in uu gubay Xaaskiisa oo laheyd Uur isla markaana uu geeriyootay Dhaawacii kasoo gaaray gubkaasi.

Dhagayska Maxkamadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay eheladda Marxuumadda, eedeysanaha, Qareenadda difaaca eedeysanaha Xeer Ilaaliye ku xigeeno iyo dadweyne Badan oo usoo daawasho tagay.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay degmadda Dharkeynleey ee gobolka Banaadir Taariikh-da marka ay aheyd 26 kii January.

5ta bishan ayaa ciidamadda amaanka gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha asaga oo baxsad ah kuna dhuumanaya meel u dhow degnadda Wisil ee gobolka Mudug.

Kiiskan ayaa si weyn looga hadal hayay dhamaan gobollada dalka, waxaana jiray dibadbax ka qaboomay magaalooyin dhowr ah kaas oo cadaalad loogu raadinaayo Marxuumad Luul Cabdicasiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM