Maxkamadda Racfaanka oo u fariisatay dacwadda mas’uuliyiin loo haysto Musuq maasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhageysatay dacwad racfaan oo ay eedeysanyaasha ka yihiin mas’uuliin ka socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Eedeysanayaasha ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira musuq-maasuq, iyo dambiyo kale, waxaana horay loo horgeeyay Maxkamadda G/Banaadir, balse ay racfaan ka qaateen xeer ilaalinta Qaranka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa faray Xeer Ilaalinta in ay keento caddeymaha loo heysto mas’uuliintan ku eedeysan musuq-maasuqa.

Xukuno kala duwan ayaa horay loogu riday eedeysanayaasha, halka xeer ilaalinta qaranka ay racfaan ka qaadatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM