Maxkamadda Sarre oo bilowday dhageysiga dacwada Himilo Qaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay si rasmi ah u bilowday dhageysiga gal-dacwadeedka uu xisbiga Himilo Qaran ka gudbiyey hay'adda duulista rayidka.

Baasha Axmed Yuusuf, gudoomiyaha xeer-beegtada ugu sareysa waddanka, ayaa gudoominayey dhageysiga dacwadda oo ka qabsoontay xarunta maxkamadda ku leedahay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Telefishinka ku hadla afka dowladda ayaa si toos ah looga baahiyey fadhiga oo dadweynaha qeybtood loo ogolaaday in ay goobjoog ka noqdaan.

Dhinacyadda ay dacwaddu u dhaxeysay ayaa soo bandhigay doodoodu, iyaga oo la siiyey waqtiga ay ku dhameysan karaan.

Maxkamadda ayaa u balantay fadhi kale, kaasoo waqtiga uu qabsoomayo aanan si rasmi ah loogu soo bandhigin warbaahinta iyo goobjoogeyaasha ka kala socda dhinacyada kiisku dhaxeeyo iyo bulshadda.

Dacwadda xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa ku saabsan is hortaag lagu sameeyay socdaal ay ku tagi lahaayeen Kismaayo.

Safarkooda ayaa wuxuu daarnaa ka qeybgalka caleema saarka Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubbaland, kaasoo coddeyn xalaal iyo xor ah oo ka qabsoontay xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa ka kooban shan garsoore oo uu soo magacaabo madaxweynaha. Mr Baashe ayaa u sheegay VOA-da, horaantii bishaan, in aysan farogelin kaga imaan karin Laanta Fulinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM