Maxkamdda Ciidamada Qalabka Sida oo dil ku xukuntay xubin ka tirsanaa ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ka soo saartay Xamsa Jeylaani Cabdullaahi oo ka tirsanaa ‘AS’.

Xamsa ayaa lagu helay danbi ah inuu dilay Xasan Cismaan Cali oo ahaa taliyihii ciidamada nabad ilaalinta ee deegaanka Buufoow bacaad ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilkan ayaa u dhacay Miino loogu xiray gaarigii uu watay Xasan Cismaan, taasoo keentay inuu ku geeriyoodo. Xamsa ayaa sidoo kale deganaa guriga taliyaha ee magaalada Marka, maadaama ay qaraabo ahaayeen.

Sida Maxkamadda ay sheegtay, Xamsa oo 23-sano jir ah ayaa ka soo jeedo deegaanka Janaale, waxaana uu horay ugu soo shaqeeyay Mooto nooca Fekon loo yaqaan, ka hor inta uusan ku biirin dagaalyahanada ‘AS’.

Kiiska ka dhanka ah Xamsa ayaa la soo gabagabeeyay 28-kii bishii August ee sanadkan, iyadoo ugu dambeyn Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM