Maxmakamada ciidamada Muqdisho oo dilal xukuntey

Image

MUQDISHU [Garowe Online]- Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida taasoo fadhigoodu yahay magaalada Muqdishu ayaa maanta 24 August,2014 shan eedeysane oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku xukuntay dil iyo xabsiyo.

Afhayeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida Cabdullaahi Maxamed Muuse (Keyse) oo warbaahinta uga warbixiyay xukunada  maxkamadu ridey ayaa sheegay in eedeysanayaasha dambiyadooda ka hor qirteen garsoorka hortiisa.

Eedeysanayaashu maxkamadu xukuntay ayaa saddex ka mid ah waxaa loo haystey inay dileen Xidigle Yuusuf Xasan Caddow (Yusuf Taraafiko) oo ka mid ahaa ciidamada ilaalada wadooyinka, kaasoo la dilay bishii Ramadaan.

Magacyada dadka Maxkamada dambiyada kala duwan ku xukuntey ayaa waxaa kamid ahaa: 

1- Daahir Cismaan Cali (Daahir Dayax) "Dil toogasho ah"

2- Asad Maxamuud Cali "Dil toogasho" ah isagoo maqan

3- Maxamed Mahdi Cali "Xabsi daa'in"

Sidoo kale Maxkamada ayaa sii deysay Axmed C/raxmaan Maxamed, kadib markii lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay, iyadoo xeer ilaalinta Maxkamadu sheegtay in uusan wax dambi ah gelin, balse arrimo tuhun darteed lagu soo xiray, Maxkamada ayaa waxay xabsi lix bilood ah ku xukuntay sidoo kale Cismaan Cali Maalin.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya taasoo fadhigoodu yahay Muqdishu ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay fulineysay xukuno isugu jira dilal iyo xabsiyo iyadoo hay'daha u dooda xuquuqda aadnaha ku dhaliileen in falalkaan fuliso qaarkood iyadoo cadeymo wanaagsan aan loo hayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM