Mid kamid ah Ergadii doorashada oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab, ayaa maanta oo Khamiis ah Nawaaxiga Jamaacaddii Gaheyr ee Muqdisho, ku dishay Nabadoon kamid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay in labo nin oo bastoolado ku hubaysan ay dileen Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Deerow Dhaqane, kaasi oo kamid ahaa Ergadii magaalada Kismaayo kusoo dooratay Xildhibaanada.

Marxuumka ayaa lagu dhex-dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa nawaaxiga dhisamaha Jaamacadii Gaheyr, waxaana dilkiisa fuliyay rag wajiga soo duubtay, oo walii heebtooda la aqoonsan.

Ragii falkaan ka dambeeyay ayaa goobta isaga cararay, kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya, gaara ahaan ciidamada Nabad Sugidda, kuwaasi oo sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay mas'uuliyadda dilkan khaarijinta ah, kaasi oo qeyb ka ah dilal lagu beegsanayo Odayaashii soo dooraray Xildhibaanada Baarlamaanka hadda shaqeynaya ee 10-aad.

Maalmo kahor ayey ahayd markii deegaanka Gamboole oo ku dhaw degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ay ku toogteen xoogaga Al-Shabaab Oday 93-sano jir ahaa, kaasoo la sheegay inuu ka qeybgalay doorashaddii Baarlamaanka.

Hay'adaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu amaanay inay hoos u dhigeen qaraxyadii joogtada ahaa ee ka dhici jiray Muqdisho, balse ku guul-dareystay inay kahor tagaan dilalka socda ee noqday sida tusbax go'ay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM