Midowga Africa oo go'aan kasoo saarey howlgalka AMISOM

Image

Nouakchott - Kadib kulan ay ku yeesheen dalka Mauritania, gaara ahaan Magaaladda caasimada ah ee Nouakchott, madaxda Ururka Midowga Afrika, ayaa waxay go'aan ka gaareen qorshaha bixitaanka ciidamadda AMISOM, kuwaasoo in ka badan 10 sano ka howlgalayay Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa sanadkan kuu matalay Shir madaxeedka 31-aad ee Midowga Africa wafdi heerkiisu hooseeyo, oo uu hogaaminayo Ku xigeenka Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

Wafdiga dowladda ayaa madasha shirka kusoo bandhigay qorshaha AMISOM ay uga baxayaan dalka, sanadka 2022-ka iyo diyaargarowga Ciidamada dowladda Federaalka ay kula wareegayaan mas'uuliyadda amniga dalka.

War-saxaafadeed laga soo saarey Shir madaxeeda madaxda Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in xubnaha ay taageereen qorshaha kala guurka ee dalka Soomaaliya ee ciidamada AMISOM ugu wareejinayaan goobaha ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamada Soomaaliya.

Madaxda Midowga Africa ayaa dalbaday in inta ay ka baxayaan ciidamadda AMISOM ay muhiim tahay in taageeradda Qaramadda Midoobay iyo beesha caalamka ee howglka nabad illaalinta Soomaaliya ay sii socoto.

Shirkaan 31aad ee AU waxaa xaadir ku ahaa 22 Madaxweyne, Afar Ra'iisul Wasaare, iyo Labo Wasiiro arrimo dibadeed, wuxuuna socday labo cisho, iyadoo intiisa badan diirada lagu saaray Arrimaha Soomaaliya, Libya iyo South Sudan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM