Midowga Africa oo go'aan kasoo saarey howlgalka AMISOM

Image

Nouakchott - Kadib kulan ay ku yeesheen dalka Mauritania, gaara ahaan Magaaladda caasimada ah ee Nouakchott, madaxda Ururka Midowga Afrika, ayaa waxay go'aan ka gaareen qorshaha bixitaanka ciidamadda AMISOM, kuwaasoo in ka badan 10 sano ka howlgalayay Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa sanadkan kuu matalay Shir madaxeedka 31-aad ee Midowga Africa wafdi heerkiisu hooseeyo, oo uu hogaaminayo Ku xigeenka Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

Wafdiga dowladda ayaa madasha shirka kusoo bandhigay qorshaha AMISOM ay uga baxayaan dalka, sanadka 2022-ka iyo diyaargarowga Ciidamada dowladda Federaalka ay kula wareegayaan mas'uuliyadda amniga dalka.

War-saxaafadeed laga soo saarey Shir madaxeeda madaxda Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in xubnaha ay taageereen qorshaha kala guurka ee dalka Soomaaliya ee ciidamada AMISOM ugu wareejinayaan goobaha ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamada Soomaaliya.

Madaxda Midowga Africa ayaa dalbaday in inta ay ka baxayaan ciidamadda AMISOM ay muhiim tahay in taageeradda Qaramadda Midoobay iyo beesha caalamka ee howglka nabad illaalinta Soomaaliya ay sii socoto.

Shirkaan 31aad ee AU waxaa xaadir ku ahaa 22 Madaxweyne, Afar Ra'iisul Wasaare, iyo Labo Wasiiro arrimo dibadeed, wuxuuna socday labo cisho, iyadoo intiisa badan diirada lagu saaray Arrimaha Soomaaliya, Libya iyo South Sudan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM